Riyaad(INO) Boqol Maalmood ayaa laga joogaa markii uu xukunka Boqortooyada dalka Sucuudiga la wareegay Boqol Salaam Bin C/casiis Aala Sacuud kadib markii uu geeriyooday Boqorkii hore ee Sucuudiga C/lla Bin C/casiis.
Boqor Salmaan ayaa lasoo baxay tallaabooyin iyo go’aano uu wax badan kaga bedelay Siyaasaddii dalka Sucuudiga oo ahayd mid aan furfurneen,wuxuuna bilaabay inuu jagooyinka sare ee dowladda u dhiibo dhalinyaro da’yar ah.
Boqor Salmaan ayaa tallaabooyinka geesinimada leh ee uu qaaday ayaa waxaa kamid in dhaxal sugayaasha Boqortooyada Sucuudiga uu kusoo daray wiilal dhalinyaro ah oo uu awoow u yahay aas aasihii Boqortooyada Sucuudiga.
Salmaan Bin C/casiis ayaa sidoo kale soo celiyey Kaalintii hogaamineed ee dalka Sucuudiga wadamada Jaamacadda Carabta iyo dunida Islaamka,Salmaan ayaa la tilmaamaa inuu yahay in aan saaxiib la ahayn reer Galbeedka sida Boqoradii ka horeeyey.
Shacabka dalka Sucuudiga ayuu Boqorkani ka helay shacbiyad badan markii uu qaaday tallaabooyin uu ku hor marinayo Siyaasadda gudaha dalka Sucuudiga,Sucuudiga ayaa hada faraha kula jira dagaalka ka socda dalka Yaman.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Riydh