Dhageyso:Xildhibaano ku dhagan Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake

0
228

Muqdisho(INO)-Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ka soo horjeeday Mooshinkii ay Codka ku weysay Xukumaddii hore ee C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa digniin u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

CABDI-BARE

Cabdi Barre Yuusuf ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake in uusan Xukumadiisa ku soo darin Wasiiradii Xukumaddii C/wali Sheikh Axmed ee sheegay Xiligii Khilaafka in ay iscasilayaan hadii uusan Ra’iisul Wasaaruhu  Xilka ka dagin iyo Xildhibaanadii u ololeenayay in Xukumaddaasi la rido.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in hadii ay taasi dhacdo uu Cumar C/rashiid Sharmaake la Kulmi doono Cawaaqib Xoogan oo Xildhibaanada uga imaan karta sida uu sheegay.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo ay jirto Wasiiro katirsanaa Xukumaddii hore iyo Xildhibaano Baarlamaanka kamid ah oo raadinaya in ay Wasiir ka helaan Xukumadda Mr Sharmaake.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here