Dhageyso: Ex. Wasiir Drs. Xaawo Xasan Maxamed Oo Baydhabo Kaga Dhawaaqday Musharax Xildhibaan BFS 2016

0
218

Baydhabo (INO)-  Xaflad lagu shaaciyay musharaxnimada Drs. Xaawo Xasan Maxamed oo horey u Soo Noqotey Wasiirka Caafimaadka Dowlada Soomaaliya ayaa lagu qabtey Baydhabo, Waxayna si rasmiya ugu dhawaaqday Ex. Wasiir Xaawqo Xasan Maxamed inay u sharaxan tahay xubin aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya sanadka 2016-ka.

Kulan Drs. Xaawo Xasan Maxamed ku shaacinaysay musharaxnimadeeda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda KGS, Ururka Haweenka Degmada Baydhabo,Odayaal dhaqameedyo, Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale.

Drs. Xaawo Xasan Maxamed  oo u taagan aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya waxay soo bandhigtay taariikh nololeedkeeda,waxqabadkeeda iyo waxyaabaha ay dalka u qaban doonto hadii ay ku guulaysato kursiga baarlamaanka Soomaaliya Ee Doorashada 2016.

Waxgaradkii iyo odayaashii kulanka ka Hadley ayaa sheegeen inay soo dhaweynayaan musharaxnimada Drs. Xaawo Xasan waxayna intaa raaciyeen in ay tahay Gabar u qalanta inay Koonfur Galbeed Soomaaliya u matasho aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii,  waxa lagu amaaney ,mudadii ay ahayd wasiirka Caafimadak Soomaaliya Maamul Suuban, Dadaal iyo Hawl Karnimo, iyadoona meel wanaagsan soo gaarisisay  Shaqada Wasaaraddaas.

Halkan Ka Dhageyso