Muqdisho(INO)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka, in ay wax ka qabtaan cabashada ay qabaan qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed wasiirada cusub ee lasoo magacaabay.
Waxa uu sheegay in isbedal sidaasi ah aanu ka muuqan xukuumadaan, sidaa oo ay tahayna loo baahan yahay in wasiiradaan lala shaqeeyo si loo arko wax qabadkooda.
Soomaaliya ayuu sheegay in xilligaan u baahan tahay shaqo islamarkaana aanay u baahneen in wax la mucaarado, cid walbana laga doonayo in gacmaha ay is qabsadaan si dalka loo gaarsiiyo hiigsiga 2016.
Xildhibaanka ayaa sheegay in aan xildhibaano ugu jirin Baarlamaanka islamarkaana waayay wasiiro ku xigeeno ay xukuumadda ku lahaayeen, waxaana madaxda uu kula taliyay in beelahaasi dib loo eego oo cabashadooda wax badan laga qabto.
Halkan Ka Dhageyso.
Dhanka kale Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in xilligaan aysan muhiim ahayn in lagu hanjabo xukuumada cusub in kalsoonida aan la siin doonin, meeshana laga saaro shuruudaha lagu xiray xukuumada, iyo shaqsi nacayb loona hadlo si qaran ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Idale News Online, Muqdisho.