Dhageyso:Xasan Sheikh oo sheegay in dagaalka Deefoow uu Xalinayo

0
185

Xili shalay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu gaaray Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan kulamana uu la qaatay Maamulka Gobolka iyo Odayaasha ayaa Madaxweynaha waxaa uu u balan qaaday Odayaasha Beelihii dagaalamay in uu Xalinayo Dagaalka Deefoow.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Xasan Kaafi Maxamed Ibraahin ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheikh uu Odayaasha Labada dhina u sheegay in Xalka gaarista Dagaal beeleedka Deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan uu dhexda u xiranayo xalna uu ka keeni doono sida uu sheegay.

xasan sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo Shalay gaaray Magaalada Daledweyne ayaa kulamo la qaatay  Maamulka Gobolka,Odayaal,Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Soomaalida,waxaana Ujeedka Kulankaasi uu ahaa Xoojinta Amniga iyo ka shaqeynta Nabad galyada.

Deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Maleeshiyo Deegaanka ah,iyadoona dhawaan Xukumadda Soomaaliya ay Gudi xal ka gaara ay u dirtay Deefoow.

Idale News Online, Muqdisho