Dhageyso:Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed oo Gaadiid Dagaal geeyay Degaanka Goofgaduud

0
164

Baydhabo (INO)—Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay hub iyo Gaadiid Dagaal oo maanta la gaarsiiyay Ciidamada ku sugan Degaanka Goofgaduud ee Duleedka Magaalada Baydhabo.

Hubkan iyo Gaadiidka ayaa Ciidamada waxaa gaarsiiyay Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, C/fitaax Geeseey iyo Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta maleeshiyaadka, Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay).

Isagoo la hadlayay Warbaahinta, C/laahi Sheekh Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Gaadiidka Dagaal loogu talagalay in ay kula Dagaalamaan Al Shabaab.

Degaanka Goofgaduud oo qiyaas ahaan 30Km u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa Shalay waxaa ka dhacay Dagaal Culus, iyadoona Dagaalka uu sababay in qeyb ka mid ah Degaanka ay hantaan Al Shabaab.

Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah waxey weeraro gaadmo ah ku soo qaadeen fariisimaha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Degaanka Goofgaduud ee Duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso