Dhageyso:Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Ka warbixisay Shirka Wasaaradaha Caafimaadka Carabta Oo Ay Kaga Qaybgashay Dalka Masar

0
226

Qaahira(INO)–Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Marwo Xaawa Xasan Maxamed oo dalka Masar kaga qaybgashay Shirkii Wasiirada wadamada Urur Jaamacadda Carabta ayaa ka warbixisay waxyaabihii shirka looga wadahadlay iyo natiijooyinka kasoo baxay.

xaawo

Marwo Xaawa Xasan Maxamed ayaa sheegtay in shirka diirada lagu saaray dhibaatooyinka caafimaad xumo ee ka jirta qaar kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta gaar ahaan dalalka ay dhibaatooyinka amni xumo ka jiraan Sida Soomaaliya,Ciraaq iyo Siiriya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay iney shirka ka jeedisay khudbad dheer oo ay wadamada Carbeed ugu sharaxday dhibaatada  Caafimaad xumo ee ka jirta Soomaaliya iyo waxyaabaha ay u baahan tahay wasaaradda caafimaadka in laga taageero si sare loogu qaado adeegyada caafimaad ee Soomaaliya.

Marwo Xaawa Xasan Maxamed ayaa shaaca ka qaaday iney si gaara uga codsatay wdamada Carbeed in Soomaaliya ay ka gacan siiyaan tayaynta Caafimaadka dalka,waxayna sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan in marka ay dalka qaraxyo ka dhacaan ay adkaato in bukaanada gudaha dalka looga helo adeegyo caafimaad isla markaane loo baahdo in dibada loo qaado taasoo waqti badan qaadanaysa.

Wasiirada Caafimaadka ayaa sheegtay in Wasiirka Caafimaadka Masar ay la kulantay uuna u ballan qaaday in la qaban doono shir weyne ay ka qabaybgali doonaan wadamada Jaamacadda Carabta kaasoo lagu taageeri doono caafimaadka Soomaaliya,waxayna sheegtay in dhammaan masuuliyiintii ay la kulantay ay u muujiyeen taageero buuxda.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here