Dhageyso:Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo xariga ka jarey Bacaadlahii Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho

0
287

Waxaa maanta kadhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Munaasabad xarigga looga jaraya Suuqa Bacadlaha degmada X/weyne oo uu dib u habbeyn uu ku sameeyey maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanayo hay’addo kale, ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ku xiggeenkiisa dhinaca ammaanka, afhayeenka gobolka, Ganacsatada Bacadlaha qaarkooda iyo dadweynaha Degmada X/weyne.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaana xarigga ka jaray Suuqa Bacadlaha X/weyne, kaddibna waxaa loo gudbay munaasibaddii loo qorsheeyey, iyadoo qaar ka mid ah dadka Ganacsatada ee nasiibka u heshay in ay qaataan shatiyada Suuqa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin shaqo u abuurista dadka degan degmada X/weyne.

Hoos Kadhagayso Cododka laga Jeediyeey Halkaas

[audio:content/uploads/2013/06/Dhagayso-Cododka-Suuqa-Bacadlaha-Xamar-weyne-by-Saadaal-.mp3]