Dhageyso:Wasiiir Fargeeti Oo Xog Cusub Ka Bixiyey Lacagtii Laga Xaday Bankiga

0
161

Muqdisho(INO)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan (Fargeeti) ayaa waxa uu ka hadlay markii ugu horeysay Lacagtii lagala baxay Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay been abuur tahay wararka sheegaya in Lacagtii Bankiga laga xaday ay Mas’uuliyiinta Dawlada Soomaaliya Ee Murashaxiinta ah ay Doorashada uga qeyb geli doonaan lacagtaasi.

Wasiir Fargeeti ayaa sheegay in ay hadda socoto baaritaan lagu hayo Nin Lacagta Bankiga lagu aaminay oo Xatooyadaasi sida ay ku timid la weydiinayo.

Ugu dambeyntii, Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in aysan raali ka aheyn Lacagta Qaranka in Shakhsiyaadka Murashaxiinta Dawlada ay isticmaalaan.