Dhageyso:Wariyaal Soomaaliyeed Oo Diiday Inuu Baaro Eey Ay Wateen Ciidanka AMISOM Xili Looga Yeeray Shir Ka Dhacayey Xarunta Xalane

0
239

Muqdisho(INO) Tiro kamid ah wariyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa iska diiday inuu baaritaan ku sameeyo iyaga iyo Qalabkooda Eey xilli ay doonayeen iney galaan xarun ku taalla Saldhigga Xalane ee ciidanka AMISOM oo looga yeeray.

Weriyayaal-yaaban

Wariyaashan ayaa ka biyo diiday inuu baaro Eey waxayna u sheegeen saraakiiisha AMISOM in arintaasi ay tahay mid ka baxsan Diinta Islaamka,Saraakiisha ciidanka AMISOM ayaa ka garaabin cabashada wariyaasha.

Suxufiyiinta ayaa go’aansaday ineysan aqbali arintaasi waxayna kasoo dareereen goobta iyaga oo aan gaari hadafkii ay la haayeen,Ismaaciil Alright waa Sawir Qaade ka tirsan telefishinka Horn Cable wuxuuna qayb ka ahaa wariyaasha la kulmay dhacdadan wuxuuna tilmaaay in Eeyga lagu amray inuu baaro uu dhareer ka socday xiligaa.

Ismaaciil ayaa sheegay iney u sheegeen saraakiisha ciidanka AMISOM ineysan arintaasi sax ahayn balse wuxuu xusay iney ka dhega adaygeen ayna ku adkeysteen in Eeygu baarayo , wariye Ismaaciil ayaa xusay iney  wariyaashu goosteen iney ka tagaan goobta.

Arintan la xiriirta in Eey uu baaritaan ku sameeyo Suxufiyiinta marka ay galayaan goobaha sida weyn loo adkeeyo amnigooda ee ay dagan yihiin ciidanka AMISOM ayaan ahayn markii u horeysay,dowladda Soomaaliya ayaa inta badan ka gaabsatay iney ka hadasho dhacdooyinka nuucaas ah ee ay ku kacaan ciidanka AMISOM.

 Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here