Muqdisho(INO)-Dawladda Turkiga ayaa geysay mid ka mid ah Isbitaalada kuyaala caasumada Soomaaliya ee Muqdisho agabyo caafimaad oo muhiimad weyn ugu fadhiya Soomaaliya, gaar ahaana Hooyada iyo Dhalaanka.
Qalabkan oo uu ku jiro Dhalooyinka lagu kobciyo ilmaha aan bilo dhameysan, ayaa la geeyey Isbitaalka DEEF oo ay mid ay maamusho dawladda Turkiga, gaar ahaana Hay’ada Bisha Cas ee dalka Turkiga.
Masuul sare oo ka socday Safaarada Turkiga ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadii wareejinta qalabkan ayaa kusifeeyey talaabadan, mid looga maarmi doono in dibada dalka loo duuliyo Ubadka Soomaaliyeed ee aan ayagoo bilihii loogu talagalay dhameysan dhasha.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.