Dhageyso:Siyaasiyiinta Beelaha Daarood oo ka digay in Cabdirashiid Xidig Uu Noqodo Guddoomiyaha BFS

0
210

Muqdisho ( INO)-Siyaasiga Soomaaliyeed ee Axmed Aadna Rufle ayaa ka digay in Guddoomiyaha Baarlamaanka loo doorto Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Waxaana siyaasigu ku tilmaamay in uu yahay Cabdirashiid Maxamed Xidig Dambiile Qaran oo aan u qalmin hoggaaminta Golaha Wakiilada Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Siyaasiga Axmed Rufle ayaa hoosta ka xariiqay in haddii uu ku guuleysto Cabdirashiid Maxamed Xidig Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed laga xukumi doono Magaalooyinka Nairobi iyo Addisababa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba Cabdirashiid Maxamed  Xidig ayaa shalay Magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in uu yahay Musharrax u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhageyso
Idale News Onllie, Muqdisho