Dhageyso: Madaxweynaha Maamulka KG ee 3da Gobol Shariif Xassan oo Shir Jaraa’id Qabtay, Sheegeyna in uu Soo Dhisayo Wasiiro Tayo Leh

0
209

Baydhabo(INO)-Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dhawaan taaageerayaashu u doorteen inuu noqdo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee 3da Gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose  oo maanta shir jaraa;id ku qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo kala duwan, waxaana ka mid ah qorshayaasha uu damacsanyahay.

shxasan

Wuxuu ugu horeyn u mahadceliyey ergadii shirka iyo odayaashii isaga soo doortey iyo ciidamadii sugey amniga shirka.

Shariif Xassan ayaa balanqaaday in uu soo dhisi doono wasiiro karti leh, aqoon leh, islamarkaasina qibrad u leh shaqada loo dirayo. sidoo kalena sheegay inuu isaguna dadka maamulkiisa sidiisa oo kale ay aqoon yeelan doonaan taasi oo dadkii halkaas ku sugnaa ka fajacisey.

Halkan Ka Dhageyso

Wuxuu intaasi ku daray in marka koowaad uu nabad ugu baaqayo dhamaan dadka dega sedexda gobol, in uu codsanayo in dadka aanan shirka qeyb ka ahayn ay kusoo biiraan geedi socodka dhismaha dowladnimo, isagoo yiri “Albaabada waa u furanyihiin cid kasta”.

“Cidna laguma dulmin doono maamulkani, waxaanan tan koowaad ku dadaalaynaa dib u heshiisiinta iyo isu keenista beelaha wada dega gobolka iyo mideyntooda” ayuu yiri Shariif Xassan oo dadka ka codsaday in ay garab istaagaan maamulkiisa.

Dhanka kale Shariif Xassan ayaa cambaareeyey weerarkii Alshabaab ay ka geysatay gudaha Kenya, wuxuuna ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah “Alshabaab waxa ay dalkeena iyo dariskaba ku heyso waa loo jeedaa, waa in adduunka oo dhan meel oga soo wada jeedsado” ayuu yiri Shariif Xassan oo sheegey in sidoo kale uu ka tacsiyeynayo dadkii la laayay.

17-kii bishan Nofeembar ayaa Shariif Xassan Sheekh Aadan, oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loo doortey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee sedexda gobol ka kooban, waana markii ugu horeysey oo si rasmi ah saxaafadda ola hadlo.

Hadalka Shariif Xasan ayaa u muuqdo mid beer laxowsi ah oo dadka degan goboladaas ay aaminsan yihiin in ciidamada Itoobiya ay dusha uga keeneen isla markaasna aan haba yaraatee taageero gudaha deegaanadaas ku laheyn. ma cada sida uu u kasban karo taageerada shacabka Baydhabo oo iyagu dad badan ay kaga dhinteen imaashihiisa gobolka ay uGu dambeysay maalintii uGu dambeysey ee isagu isku caleemo saarey magaalada Baydhaba isagoo taageero hoose ka helaayo Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia oo isugu raadinaayo taageero dhanka barlamaanka si uu u rido xukuumada R/Wasaare Cabdiwali oo si aad ah ay isaga soo  horjeedaan.

Idale News Online, Baydhabo