DHAGEYSO: Madaxweyne Shariif xasan oo Kursigiisii Xildhibaanimo Wiilkiisa u dhiibtay

0
204

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban Sadaxda Gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Xubinimadii Baarlamaanka uu kamidka ahaa dhawaan iska casilay, waxa uuna kursigiisa ku wareejiyay Wiil uu dhalay.

xasan

Kulankii ay maanta Xildhibaanada Baarlamaanka ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ayaa lagu dhaariyay C/qaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo maanta si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Xildhibaankan uu dhalay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa marii la dhaariyay waxaasi diiran u soo dhaweeyay una sacaba tumay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka .

Xildhibaano horey uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booskooda waxa ay u baneeyeen wiilal ay dhaleen iyo dad kale oo ehel la ah, kadib markii ay iska casileen kasii mid ahaanshaha Xubinimada Baarlamaanka.

Idale News Online, Muqdisho