(Dhageyso+Sawiro)Maamulka Degmada Baardheere oo Dhagax dhigey Afar Mashruuc oo lagu horomarinayo Deegaanka

0
189

Baardheere(INO)Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa uu dhagax dhigey ilaa Afar mashruuc oo la bilaabay in laga hergeliyo degmadan,waxaana xafladii lagu soo bandhigayey Mashaariicdaan ka soo qeyb galay Xubnaha maamulka,Odoyaasha dhaqanka,Haweenka,Culama udiinka ,dhalinyarada iyo waxgarad kale .

Dhismaha Mashaariicdan oo ahmiyad gaar u leh bulshada ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa waxaa ka mid ah,dhismaha Xafiiska Gudoomiyaha degmada,Garoonka kubada Cagta ,Xarunta Bulshada iyo Biyo xireeno lagu sameynayo Togaga biyaha,kuwaasi oo horey u bur bursanaa,halka kuwa kalena ay dayacnaayeen mudadii bur burka.

Mas,uuliyiintii ka hadashey Xaflada oo ay ka mid ahaayeen Cadow Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere,Hilowle Aden maxamuud oo ah isku duwaha Wasaarada Howlaha Guud ee Gobolka Gedo iyo xubno kale ayaa waxay ku dheeraadeen faa,idada mashaariicdani ay u leeyihiin bulshada Baardheere iyo sida ay bulshada uga faa,ideysan doonto.

Mashaariicdan laga hergelinayo degmada Baardheere ayaa ah kuwa maalgelintooda laga helay mid ka mid ah Hay,adaha caalamiga ah,waana mashaariicdii ugu balaarneyd ee laga hergeliyo Baardheere muddo ka badan ilaa 30 sanno.
Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in 40% dadka ku dhaqan dalka Soomaaliya ay macaluul halis u yihiin isla markaana ay nafaqo darro baahsani haysato. Warbixin ay QM soo saartay toddobaadkan ayay ku sheegtay in Shan Malyuun oo Qof oo Soomaali ah oo ka dhigan 40% Boqolkiiba Shacabka Soomaaliya aanay haysan Cunto ku filan, isla markaana ay Carruur ka badan saddex Boqol oo Kun ay hayso Nafaqo-darro baahsani. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Bani-aadminnimada ee OCHA, ayaa Warbixintan Salaasadii ku soo bandhigay magaalada Mudisho ee Caasimadda Soomaaliya. Dadkaas waxaa ku jira 300,000 oo Carruur ah oo da’doodu ka hooseyso shan sano jir, kuwaasoo ay hayso nafaqo-darro, iyadoo in ka badan 50,000 oo Carruurtaasi ka mid ahna ay hayso nafaqo-darro aad u ba’an. Warbixintan ugu danbeysay ayaa ku kordhisay 300,000 oo Qof tirada hubanti la’aanta cuntadu haysay, Warbixintii tan ka horreysay ee la soo saaray bishii February ee sannadkan. “Kooxaha gargaarku waxa ay u diyaarsan yihiin in ay labo jibbaaraan jawaabtooda ku aaddan caawinta Qoysaska la halgamaya in ay helaan cunto.” Sidaa waxaa Shir jaraa’id oo Muqdisho lagu qabtay ka sheegay Isuduwaha Gargaarka Bini’aadannimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter de Clercq. Mr. Peter oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray; “Qorasha ka jawaab celinta xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya ee 2016 waa 32% Qarashka loo hayay, waxaana loo baahanyahay dhaqaale deg-deg ah si kor loogu qaado jawaab-celinta iyo dedaallada lagu doonayo si waxtar leh in loo abbaaro nafaqo-darrada iyo si loo helo cunto.” “Waa in la helaa dedaallo heer Qaran iyo caalami ah si loo kordhiyo wax soo saarka khayraadka dabeeciga ah. Ta labaad ee muhiimka ah ee aannu maanta aadka uga doodnay waxay tahay in la kordhiyo Ururrada ka shaqeeya arrimahan. Dadka ka soo laabanaya Dhadhaab ee ka soo tegaya Xerada Qaxoontiga ugu weyn ee Kenya way soo kordhayaan, waxaanay intooda badani ku soo noqonayaan magaalooyinka Soomaaliya, waxaanay tani cadaadis ku soo kordhinaysaa Soomaaliya, sida magaalada Kismaayo, Muqdisho iyo kuwo kale oo Soomaaliya ah, waxaanay wajahayaan xaalad macaluul iyo nolol adag ah.” Sidaa ayuu yidhi Peter de Clercq. Sidoo kale, Warbixintan, ayaa lagu sheegay inay Somaliland iyo Puntland, ka sii socdaan dedaallada lagu yareynayo nuglaanta, iyadoo taas ay daciifisay isbeddelka Cimilada, taasoo saamaysay xaaladda cuntada iyo nafaqada. Wax soo saarka Dalagga Beeraha, ayaa Warbixintan lagu sheegay inuu wanaagsanaa qaybo ka tirsan Somaliland sannadkan, taasina waxay keentay in ay gacan ka geysato koboca Midhaha meelaha ay abaaruhu hore u saameeyeen. Si kastoo ay ahaataba xaaladaha abaaraha, ayaa wali ka sii jira deegaanno ka tirsan Somaliland iyo Puntland. Roobabka oo aan wanaagsanayn Konfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, ayaa keenay in ay yaraadaan wax-soo-saarka Beeruhu sannadkan.


dsc01041

dsc01042

dscn0710

dscn0746

dscn0747
W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed(Ateera)