Baydhabo(INO)- Guddiga amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxa ay ka hadleen amniga guud ee deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Hub ka dhigista, Dhaqan celinta iyo tababarada Maleeshiyaadka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Deegaano fara badan oo ka maqnaa, sidoo kalena ay wadaan hada dadaalo ku aadan sidii kuwa ka maqan ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
Wuxuu sheegay in Shabaab Hal maalin aan laga guulesyan karin balse loo baahan yahay in shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay garab siiyaan ciidanka si looga guuleysto Shabaab.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Shabaab hada ay bilaabeen in ay ku dhuumaaleystaan shacabka dhexdooda taasina ay muujineyso in awoodooda ay hoos u sii dhaceyso.
Ugu dambeyntii, Hadalkan ayuu Wasiirka Hub ka dhigista, Dhaqan celinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay kulan looga hadlayay amniga deegaanada Koonfur Galbeed oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Halkan Ka Dhageyso Codka
Halkan Ka Daawo Sawiradda