Baydhabo(INO)- Kulan maanta ay isugu yimaadeen suxufiyiinta ka hawlgasha magaalada Baydhabo ee Koonfur galbeed ayaa waxay kaga hadleen is qab qabsigii labada garab ee ururka suxufiyiinta qaranka somaliya ee (NUSOJ) iyo go aankii gudoomiyaha maxkamada sare mudane aydiid ilka xanaf oo kasoo saaray NUSOJ.
Halkan Ka Dhageyso
Geba gebadii kulanka Waxay suxujiyiintu kasoo horsheesteen go aanka gudoomiyaha maxkamada uudhinaca uu hogaamiyo cumar Faaruq taasoo ay ku tilmaameen in ay tahay mid looga xad gudbay madax banaanida saxaafada taasoo sidookale ay kutimaameen inay kadhigantahay suxufiyiinta oo loomagaabay hogaamiye,
dhinaca kale waxay soo dhaweeyeen hadalkii kasoobaxay wasaarada warfaafinta somaliya ee ahaa in doorasho loodiyaar garoobo iayagoona sheegay in mida keliya kagu kalabixikaro doorasho kaliya ay tahay.
Hase yeeshee suxufiyiinbadan ayaa aaminsan arinta keliya suxufiyiintu ay kumidoobikaraan ay tahay doorasho guud ee u tartamaan idiirabta in ay hogaamiso ururka suxufiyiinta qaranka somaliya ee (NUSOJ).
Wariye Abshir, Idale News Online, Baydhabo