Dhageyso+Sawiro: Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya

0
189

Muqdisho(INO)-  Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka IGAD kadib qabtay Shir jaraa’id ayaa ka hadlay kulan gaar ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Dalka kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay si gaar ah uga wada hadleen Arimaha Dhaqaalaha, Arimaha Amniga iyo Waxyaabo kale.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya in Soomaaliya iyo Kenay ay sidoo kale ay ka wada hadleen in la fududeeyo Fiisaha Dal ku galka Kenya iyo Arinta Wajeer.

Dhanka Kale Madaxweynaha Dalka kenya Uhuru Kenyatta oo isna dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan Dalkooda, sidoo kalena ay ka qeyb qaataan Hormarka Dalka.

Halkan Ka Dhageyso

010203