Baydhabo(INO)-Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu ka hadlay weerar qorsheysan oo ay saakay ku qaadeen degaanka Saydheelow oo ka tirsan Gobolka Baay, hoostaggana Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolkaasi.
Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay Shan nin oo ka tirsan Al Shabaab, sida uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska gaarka ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska gaarka ahKoonfur Galbeed ayaa sheegay raggaan ay dileen ciidamada Koonfur Galbeed inay dhibaato ku hayeen dadka degaanka Saydheelow.
Waxa uu sheegay ciidamada inay halkaasi ku qaadeen howlgal qorsheysan Shan Shabaab ahna lagu dilay, iyadoo labo ka mid ah Raggii la dilay ciidamada u suuragashay inay soo qaadaan hubkii ay wateen iyo meydkooda.
Saldhiga Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo bandhigay meydadka labadan nin ee Shabaabka ka tirsan, kuwaasi oo jirkooda ay ka muuqatay rasaastii ciidamada ay u adeegsadeen dilkooda.
Deegaanka Saydheelow, ayaa qiyaastii 30-KM waxa uu u jiraa Magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho