Baydhabo(INO)- Beesha Macalin Weyne oo ka mid ah Beelaha Raxanweyn ayaa ka hor timid shaqsiyaad Ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya Malaaqa soo jireenka ah ee beeshaas doonaya in ay afgenbi ku sameeyaan.
Shir Jaraa’id oo ay Maanta Ku Qbateen Magaalada Baydhabo waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka Ee Beesha Macalin weyne ayay ku sheegeen in Malaaqa guud rasmiga ah ee Deegaanada gobolka Bay uu yahay Malaaq Caliyow Keerow Cali.
Dadka meesha ka hadlay waxaa ka mid ah Ugaas Maxamed Ugaas Bilow Ugaas Xasan waxayna shirkooda jaraa’id ka sheegeen in xubno ka tirsan koonfur Galbeed Soomaaliya ay rabaan in ay sameeystàan Malaaq qooto qooto ah oo jago lagu raadinayso,
Ugu damabeyntii, Koonfur Galbeed waxay ku wargeliyeen in arimaha beesha faraha kala baxaan.