Baydhabo(INO)-Furitaankan Xarunta Farsamada ayaa waxaa ka soo qeyb galey Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Gudoomiyaha Ururka Haweenka , Wasiirka War faafinta & Wacyi-galinta Bulsahda KGS, Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo isboortiska iyo Madaxa Hay’ada CERPA.
Mushruucaan Tababarka ah waxaa ka faa’ideysan doonaa Dhalinyaro gaareyso 150 qof oo ay Baran doonaan Xirfado Kala duwan sida Harqanka, Computer, Qurxinta Dumarka iyo Faryaamo.
Ugu dambeyntii, Mashruucaan waxaa maalgeliyey Dowlada Japan, isla markaana waxa Fulintiisu Waxaa iska Kaashaday Hay’adaha kala ah UNDP & CERPA Iyo Koonfur Galbeed Soomaliya.