New York(INO)– Xoghayaha guud ee QM ayaa sarkaal cusub umagacaabay Xaafiiska QM ee Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaana dhinacyada Bini’aadantinimada iyo Barnaamijyada horumarinta, isagoo sidaas oo kale noqon doona Kuxigeenka Sarkaalka ugu sareeya Xaafiiska QM ee dalka Soomaaliya Amb Nicholas Kay.
Danjirahan cusub ayaa badali doono Philippe Lazzarini oo ka soo jeeda dalka Switzerland,,kaasi oo dhawaan baneyn doono booska,isagoo la sheegay inuu ku biirayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Lebanon.
Sarkaalkan hada lasoo magacaabay ayaa magaciisa lagu sheegay Peter de Clercq,isagoo udhashay dalka Netherland, horayna wuxuu uga soo shaqeeyey wadamo kala gedisan oo ay ku jiraan wadamada Aasiya ee ay dagaaladu ka dhaceen.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon ayaa kaga Mahad celiyay Philippe Lazzarini shaqadii adkeyd uu ka qabtay Soomaaliya.
Sidoo kale,Sarkaalka cusub de Clercq ayuu u rajeeyay inuu qibradiisa ku biirin doono maareynta habka siyaasada,hormarinta amaanka iyo maareynta howlgalada deg dega iyo kuwo kale oo fara badan oo ka jira Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, New York.