Munaasabadani oo lagu waynaynayay dhaqanka iyo hida ay dhaxalka u leedahay bushada Soomaaliyeed ismarkaana dhalinta lagu baraarujinayey ahmiyadda uu u leedahay ilaalinta dhaqankoodu ayna soo qaaban qaabisay hay’ada wacyi galinta bushada ee CCA ayaa xalay lagu qabtay magalada muqdisho, waxaana ka qayb galay Wasiirka Warfaafinta Xildhabaano ka tirsan baralamaanka federalka Somalia mas’uuliyiinka katirsan xafiiska ra’iisal wasaraha dalka xubo ka socday maamaulka gobolka siyasiyiin abwaano iyo boqol dadwayne ah oo iska gala yimid 17 degmo ee qabolka Banaadir una badnaa dhalinro .
Manabadaani oo loogu magac daray habeenka dhaqanka Somalida ayaa lagu soo ban dhigay qaar ka mid ah ciyaaraha dhaqanka somalida sida sayliciya shab shabley mataneey iyo agabyada hida ee laga adeegsato guryaha waxaana heeso iskugu jiray wadani iyo kuma lagu waynaynayo dhaqanka kaqadayey fanaaniin ka soo qayb gashay Munaasabadaas iyadoona ay siwayn buslshada Soomaaliyeed ee ka qayb gashay munasabadaaasi oo ka mid ahaayeen mas’uuliyiinta ay u soo jiidatay hees ay qadeen ubaxa xidigta Qaranka oo ah caruur da’yar ismarkaana ay barbarisay fanan muslimo qaasim.
gudoomiyaha hay’da CCA Maxamed ibrahin cali maxamed cajiib oo ka hadalay munabadasi ayaa ka warbiyey sababta ku dhalisay in ay qabtan Munaasabadaan Xalay waxaana uu ujeedka ku sheegay in dhaqanka oo sii liicaya markii ay Hay,adu aragtay ay go.aansatay in ay wacyi galin Bulshada u qabato.
Abwaan Maxamuud Cabdulahi Ciise Sangub Gudoomiyaha Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed oo isna ka hadlay Munaasabadaas ayaa Waxaa uu sheegay in dhaqanka oo sidii loo weyneyn lahaa laga hadlayo ay Muujineyso Wada Jirka Bulshada Soomaaliyeed wax lagu farxana ay tahay taasi.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka ah Ee Somalia Mudane Mustaf Sh. Cali Dhuxulow oo ka Gaba gabadii ka hadalay munaasabadda loogu magac daray habeenka dhanka ayaa sheegay umadkasta oo calamka u nool in ay leedahay dhaqan u gaar ahSomaliyana laga rabo in ay ilaashadaan dhaqankooda wanaagsan Isagoona xusay dhaqanka Soomaaliyeed oo la barto in ay dhalinteena uu ka hor istagoyo in ay galaan falalka Argagixisanimada ah .