Muqdisho (INO)—Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Addis Ababab ee Xarunta Dalka Itoobiya.
Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa in Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Addis Ababa ay ku soo dhaweeyaan mas’uuliyiin sare oo ka mid ah Dowladda Itoobiya.
Mr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa waxuu salka ku hayaa sida la tilmaamay ka qeyb galka Shir Urur Goboleedka IGAD ay ku yeelanayaan Xarunta Dalka Itoobiya.
Shirkan ayaa waxuu maalinta barito ah ka furmi doonaa Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya, iyadoona looga hadli doono arimah quseeya Dalalka xubnaha ka ah Ururkan.
Sikastaba, Ilo wareedyo la hadlay IdaleNews.com ayaa sheegaya in Shirka Urur Goboleedk IGAD sidoo kale looga hadlo doono arimaha Doorashooyinka Dalka Soomaaliya.