Kismaayo(INO)- Doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya oo ka socday dhowr magaalo oo dalka ka mid ah ayaa iminka maraya heer gebo gebo ah , waxaana lasoo gabagabeeyay doorashadii ka socotay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.
Dhinaca kale, waxa jira loolan ay wadaan musharaxiinta madaxweyne, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo labaduba ah musharax madaxweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay tagay magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul goboleedka Jubbaland.
Waxaana uu la kulmay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka Axmed Madoobe iyo sidoo kale Labada Aqal ee lagu doortay Kismaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in ololihiisa doorashada uu u tagay Magaalada Kismaayo.
Toddobaadkii hore waxaa isna tagay magaalada Kismaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isna la kulmay xildhibaannada cusub.