Nairobi(INO)— Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la qaadayo xayiraada saaran shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee ka howl gala dalkaas, kadib markii horay Hey’addaha Ammaanka Kenya ay xanibaad ugu soo rogeen.
Uhuru Kenyatta ayaa ku amray Bangiga Dhexe ee Kenya inuu qaadi xayiraada saaran shirkadaha Xawaalaha, balse ka hor inta aanu bangiga qaadin xayiraada waxaa la sameynayaa xeer hadda kadib lagu hagi doono howlaha adeegyada xawaaladaha.
Madaxweyne Kenyatta ayaa hadalkan jeediyay kadib markii Muslimiinta uu ugu hambalyeeyay bilaabashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo sheegay in xafiiskiisa la soo gaarsiiyay warqad lagu dalbanayay in la qaado xayiraada 13 xawaalad oo bishii April la xiray.
Illaa iyo hadda lama sheegin xilliga ama goorta rasmiga ah ee dib loo furayo xawaaladaha, waxaana go’aankan soo dhoweeyay Shirkadaha Xawaaladaha ku yaal Kenya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa horay xayiraad ugu soo rogtay xawaalado iyo aloonada shaqsiyaad kala duwan oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana go’aankan uu ka dambeeyay markii la weeraray Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dhinteen illaa 148 ruux u badnaa arday.