Dhageyso:Maamulka Puntland Oo Ka Hadalay Magacaabista Cumar Cabdirashiid

0
190

Gorawe(INO)-Maamulka Puntland ayaa ka hadlay magacaabista Cumar Cabdirashiid ee loo magacaabay Xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya maalin kahor.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan in Cumar Cabdirashiid uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Dalka markiisa Labaad.

saciid

“Waxaan hambalyo iyo taageero u jeedinayaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo loo magacaabay xilka Ra’iisul wasaaraha, horayna wuu usoo noqday Ra’iisul wasaare , maantana waxaan soo dhaweyneynaa in Mar Labaad uu xilkaan qabto, waxaan rajeyneynaa in uu wax ka qaban doono daalkii iyo is qabqabsigii dowladda Federaalka, siyaasiinta Xamar jooga uu isku soo dhaweyn doono, baarlamaankana isku soo dhaweynayo, waxa uu kaalin ka qaatay dhismaha Jubaland iyo doorashooyinkii ka dhacay Puntland” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland.

Halkann Ka Dhageyso

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in aragti ahaan ay qabaan in uu ku filan yahay wax ka qabashada xaaladda guud ee dalka, iyo sidoo kale in uu soo dhiso dowlad tayo leh.

17-kii Bishaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali oo noqonaya Mas’uulkii Sedaxaad ee Ra’iisul wasaare ka noqda dowladda Federaalka ah.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here