Dhageyso:Maamulka Madoobe Nuunoow oo sheegay in khilaafka madaxda dowladda uu sameeyay wadahadlo ka dhici lahaa Baydhabo

0
186

Baydhabo(INO)-Maamulka lixda gobal ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa sheegay in khilaafka madaxda dalka uu saameyn ku yeeshay dadaaladii nabadda ee magaaladaasi.

C/qaadir Ajuuke oo ka mid ah xubnaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Warbaahinta , in khilaafkani uu saameyn ku yeeshay wada hadallo la doonayay inay u furmaan maamulada Lixda gobal iyo seddexda gobal.

Madoobe Nuunow

Waxa uu sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan cid kasta oo ka soo horjeeda fikirka ay qabaan.

Ajuuke ayaa dhanka kale sheegay in ay muhiim tahay in la taageero maslaxadda iyo nabadda bulshada ku dhaqan gobaladaasi, waxaana uu rajo ka muujiyay in wada hadal lagu xaliyo aragtida laga kala aaminsan yahay maamulka Koonfur Galbeed.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo