Kismaayo(INO)-Maamulka Kmg Juba ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ay ka hortaagan tahay caqabado badan oo dhameystir u baahan cabdi naasir serar oo ah afhayeenka maamulka kumeel gaar ah ee jubba ayaa waxaa uu sheegay in ay jirto caqabado ka hortaan xalinta maamulkaasi.
Halkan Ka Dhageyso Codka Cabdinaasir Seeraar.
cabdi naasir serer oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in arinkaani xal waara laga gaaro si loo soo dhameystiro xubnaha maamulka ku meel gaarka ah ee jubba.
madaxweynaha soomaaliya xasan shiikh maxamuud ayaa maalmo ka hor gaaray magaalada kismaayo ee xarunta maamulkaasi ayaa waxaa la sheegay in ay masuuliyiinta maamulka juba iyo madaxweynaha ay ka wada hadleen sidii loo soo dhameytiri lahaay xubnaha maamulkaasi ka dhiman.
hadalka kasoo yeeray maamulka juba ayaa waxaa uu imaanayaa xili wali maamulkaasi ay xubno ka dhiman yihiin.