Wanleweyn(SHL-NEWS)-Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in meel gaba gaba ah marayo howlgal dhawaan ay bilaabeen, kaa oo ay kula dagaalamayaan Isbaarooyinka yaala gobalka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee maamulka gobalka Shabeelaha Hoose Cabdifixaat Xaaji Cabdulle ayaa u sheegay Warbaahinta in ay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee gobalka looga sifeynayo Isbaarada.
Dhinaca kale wadooyinka qaar weli waxa uu sheegay in ay joogaan askar qaada Isbaarooyinka, kuwaa oo bilaabay in ay adeegsadaan xirfadi ka duwan sidii hore.
Ciidamada waxa uu sheegay in ay qaadanayaan Mootooyin, ka dibna ay ka daba tagayaan gaariga, ama sidoo kale ka hor tagayaan, ka dibna lacago baad ah ka qaadanayan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan isku fidiyay wadooyin badan oo ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose, taa oo looga hortago Isbaarooyinka yaala.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Wanleweyn