Dhageyso:Koox Hubaysan Oo Baydhabo Ku Toogatay Malaaq Cabdi Iidow iyo Xaaskiisa

0
199

Baydhabo(INO)-Kooxo hubaysan ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dilay Malaaq caan ka ahaa deegaanada gobolada Baay iyo Bakool  ee Koonfurta Soomaaliyaiyo Xaaskiisa,kooxda ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen Malaaq Cabdi Iidow iyo Xaaskiisa oo goobta ku geeriyooday  kadibne ay goobta ka baxsadeen.

Mustaf Ibraahim oo ka mid ah masuuliyiinta gobolka Baay ayaa sheegay in Malaaq Cabdi Iidow ay toogteen kooxo hubaysan oo sida uu sheegay ka tirsan kooxda Al-shabaab,wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanku ay wadaan baaritaano lagu soo qabanayo kooxdii dilka geystay.

Halkan Ka Dhageyso.

Mustaf Ibraahim ayaa ballan qaaday iey caddaalada horkeenayaa ragii ka danbeeyey dilka Malaaq Cabdi Iidow oo ka tirsanaa waxgaradka sida weyn looga yaqaanay gobolada Baay iyo Bakool,Wuxuuna tacsi u diray ehelada Marxuum Malaaq Cabdi Iidow.

Maamulka gobolka Bay ayuu sheegaya iney wadaan dadaalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka guud ee magaalada Baydhabo oo dhowr jeer ay ka dheceen dilal bareera oo loo geystay wadaado iyo odayaal dhaqameed si weyn deegaanka looga yaqaanay,mana jirto cid ay maamulku usoo qabteen dilalka ka dhacay magaalada Baydhabo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here