DHAGEYSO:Khadiijo Maxmed Diiriye “Sharci daro ayaa lagu xiray agaasimaha wasaarada haweenka”

0
252

Muqdisho(INO)-Wasiirka haweenka iyo horumarka xaquuqda aadamaha Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta Muqdisho kula hadashay saxaafada ayaa waxa ay ka hadashay xarig la sheegay in ciidamada nabad sugida ay kula kaceen agaasimaha guud ee wasaarada haweenka Maxamed Cumar oo xalay hoygiisa ay kala baxeen.

khadija

Wasiirka ayaa cadeeysay sababaha loo xiray in loogu sheegay ku tagri fal awooda xafiiska oo ay soo jeediyeen xeer ilaaliyaha qaranka iyo hanta dhooraha guud.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in xariga agaasimaha uu yahay ku tagri fal awoodeed oo loo geestay qeyb kamid ah xafiisyada Xukuumadii kalsoonida lagala noqday.

Waxana sidoo kale ay sheegtay in warqad cabasho ah ay u dirtay madaxweynaha iyo gudoomiyaha Barlamaanka.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho