Dhageyso:Jawaari oo shaaciyay waxa maanta ka dhacaya Golaha Shacabka

0
171

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo shalay kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada caasimada u ah dalka Jabuuti ayaa ku dhawaaqay maanta oo isniin ah inuu furmayo kulanka baarlamaanka.

jawaariBay0

Jawaari wuxuu sheegay in maanta oo Isniin ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay yeelan doonaan kulan ay kaga doodayaan mooshinka laga gudbiyay xukuumada Soomaaliya.

Gudoomiye Jawaar ayaa sheegay  inaysan jiri doonin xildhibaan fowdo ka kiciyo xarunta golaha shacabka oo xildhibaanada baarlamaanka maanta ku kulmi doonaan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho