Dhageyso:Haweenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Maanta Booqasho Ugu Tagay Madaxweyne Madoobe Nuunow.

0
206

Haween matalayay dhamaan haweenka Koonfur Galbeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa maanta booqasho ugu tagay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed.

Kulankan oo ahaa mid salaan ah ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed warbixin ku siiyay Haweenka oo uu uga waramay dhismihii dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo wada hadalka ay kula jiraan Dowlada Muqdisho.

xafladii12 (1)

Madaxweyne Madoobe Nuunow ayaa usheegay Haweenka Koonfur Galbeed inuu meel wanaagsan marayo wadahadalada ka dhaxeeya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowlada Muqdisho, maalinta axada ama isniintana wadahadalka soo gabagaboobi doonaan.

Dhinaca kale Haweenka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda sheegay inay ka go’antahay taageerida Dowlada cusub ee Koonfur Galbeed ayna u hurayaan maalkooda, muruqooda iyo maskaxdooda.

Halkan Ka Dhageyso:

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/?attachment_id=58060|autostart=yes]

Idale News Online, Muqdisho.