Tiyeeglow(INO)-Wararka ka imaanaya Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Labo Haween ah oo kamid ahaa dadka Magaalada lagu Gooracay halkaasi,kuwaas oo Meydkooda la dhigay Meel 5-KM u jirta Degmada.
Halkan Ka Dhageyso
Gudoomiye Kuxigeenka Dhanka Amniga Degmada Tiyeeglow Cali C/nuur iimaan oo lahadlay Radio Kulmiye ayaa Xaqiijiyay Dhacdada lagu Gowracay Labada Dumarka ah ee Dadka Magaalada kamid ahaa.
Cali Cabdinuur ayaa sheegay in Labada Gabdhood laga watay Degmada islamarkaana Qoorta looga yaray meel Magaalada u jirta ilaa 5KM.