Dhageyso:Ethiopia iyo IGAD oo lagala hadlay sidii Shabaab Jubbooyinka looga saari lahaa

0
193

Kismaayo(INO)-Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba, ayaa sheegay in Dowladaha Ethiopia iyo Kenya ay kala hadleen sidii Shabaab looga saari lahaa deeganada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay kaga sugan yihiin.

fartaag

Sida uu Saxaafadda u sheegay Kuxigeenka Madaxweynaha Maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo muddo ku dhaw bil ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ayaa dig ugu noqoshadiisa Magaalada Kismaayo, sheegay in dowladda Ethiopia iyo Kenya ay isla garteen sidii loo wajihi lahaa Shabaabka Jubbooyinka ku sugan.

Halkan Ka Dhageyso.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Mamulka Jubba ayaa wuxuu sheegay in dhawaan lasoo dhameystiri doono dhismaha maamulka KMG ee Jubba, iyadoo todobaadkaan gudihiisa la guda galaayo soo xulista xubnaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Gobolka Jubbada dhexe oo Jubbooyinka ka tirsan waxaa gabi ahaanba gacanta ku haayo Shabaabka dowladda kasoo horjeeda.

Idale News Online, Kismaayo.