Dhageyso:Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqeymo xoogan ka fuliyay Duleedka Kismaayo

0
222

Kismaayo (INO)—Wararka laga helayo Magaalasa Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Kenya ay duqeymo xoogan ka fuliyeen baro la sheegay in Al Shabaab ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay maqleen daryanka gantaalo xoogan oo Diyaaradahaasi Dagaalka ay ku garaacayeen Degaanka Berxaani oo 60Km u jirta Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Duqeyntaasi ay ka dhalatay khasaaro kala duwan inkastoo aan weli rasmi ah loo  ogeyn maadaama Weerarkaasi xagga cirka ahaa uu halkaasi ka dhacay Xalay.

Ugu dambeyntii, Weerarkan ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here