Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay weerar Ismiidaamin iyo qarax baabuur loo adeegsaday oo xalay maqribkii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Hoosow Ee BBC
Labadaan weerar ayaa lagu qaaday goob maqaayad ah oo ay fadhiyeen xubno siyaasiyiin iyo rag Wariyeyaal ah, maqaaxidaasi oo ku taalay Bartamaha Magaalada Baydhabo, meel ku dhaw xarunta Dahabshiil ee Magaaladaasi.
Wararka saaka la helaayo, ayaa sheegaya inay kordheen tirada dhimashada iyo dhaawaca, waxaana dadka dhintay ay saaka gaarayaan ilaa 15-ruux, halka xalay dhimashada ay mareysay ilaa 11-ruux oo Odayaal, Wariyeyaal iyo rag kaleba isugu jiray.
Halkan Ka Dhageyso Wareysigii VOA-da
Dhaawaca ayaa sidoo kale lasoo warinayaa inuu kor u dhaafay tirada ilaa 28-ruux oo shacab iyo siyaasiyiin isugu jira, halka dadka dhaawacmay ay ku jiraan Odayaal maqaaxida fadhiyay.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow, ayaa sheegay in qaraxyadaasi dad badan ay ku dhinteen ayna ku jireen saddex Wariye oo Magaalada Baydhabo ka howlgalaayay.
Ilaa hada lama oga bartilmaameedka qaraxa cida uu ahaa iyo sidoo kale cida rasmi ahaan uga dambeysay qaraxaasi, waloow Ururka Shabaab aysan sheegan masuuliyada labadaasi weerar ee xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa saaka aad u kacsan, dadka ayaa booqanaya Isbitaalka guud ee Magaalada Baydhabo oo la dhigay dadkii kusoo dhaawacmay weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa Arbacadii lasoo dhaafay waxaa lagu caleemo saaray Madaxweynaha maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ka qaybgalay caleemo saarkiisa wafuud kala duwan oo Madaxweynaha Soomaaliya ugu weynaa.
Idale News Online, Baydhabo