Baydhabo(INO) – Waxaa Maant Degaanka Goof-Gaduud Ee Gobolka Bay Gaarey Wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirka Hub ka dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka,Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), Wasiirka Wasaaradda War faafinta iyo Wacyi-galinta Bulshadda Xasan Cabdi Maxamed, Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Isaaq Caracase iyo saraakiil kale.
Wasiiradda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee halkaas gaarey ayaa u kuur galey xaalada Degaanka Goof-gaduud Buurey oo si ba’an ay ugu dagaalameen Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Kuwo DFS, oo dhinac ah iyo Weliba Kooxda Al-shabaab oo ay dagaalka ku soo ekeeysisay Fariismaha Ciidamada iyo Meelo ka mid ah Gudaha Degaankaasi.
Wasiirka wasaaradda Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegey in Xaalada Degaankaasu uu yahay mid degan isla markaana waxa uu tilmaamey in halkaas ay gaareen Ciidamo gurmud ah oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxana uu xusey in Kooxda Al-shabab ay ku fashiley weerarkii ay la damacsaneyd oo ah in halkaas uu ka dhaco weerar halaag ah oo isku dhamaad ah.
“Ciidamada Geesiyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo DFS Qeybta 60aad waxay adag isaga Difaaceen Ciidamada Codowga Al-shabaab, waa kuwo jid gal ah oo aysan tababar lahayn” ayuu yiri wasiir xasan Xuseem Maxamed.
Halkan ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo