Muqdisho(INO)Maanta oo Tallaado ah waxaa la qorsheynayaa in Magaalada Muqdisho laga soo dejiyo Zakariye Ismaaciil oo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen ciidamadeeda ku sugan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Zakariye Ismaaciil ayaa Dowladda ay sheegtay inuu ka tirsan yahay Ururka Shabaab, uuna ahaa sarkaal aad loo doon-doonaayay inkastoo Xoogaga Shabaab ay iska fogeeyeen inuu Zakariye kamid ahaa Ururkooda.
Zakariye Ismaaciil ayaa waxaa la geeyay Magaalada Wajeer ee dalka Kenya, si halkaasi loogu soo qaado diyaarad lana keeno Magaalada Muqdisho.
Sarkaalkaan ayaa waxaa la wareegay ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo kiiskiisa baaritaan dheeri ah ku sameynaysa, iyadoo saddexdii maalin ee lasoo dhaafay uu muran ka taagnaa in Nabadsugida ay la wareegto Sarkaalkaan.
Halkan Ka Dhageyso Codka
Gelinka hore ee maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga soo dejiyo Zakariye iyo nin kale oo lala qabtay xilliga ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qabanayeen Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya si faah-faahsan ugama aysan hadlin kiiska Zakariye, marka laga soo tago Nabadsugida Soomaaliya oo warbixin kasoo baxday lagu sheegay in Zakariye oo Sarkaal sare oo Shabaab ka tirsan gacanta lagu dhigay.
Idale News Online, Muqdisho.