Muqdisho(INO)-Kaddib markii shalay uu Taliyaha Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya sheegay in warbaahinta madaxabanaan ay ugu yeerto wixii hadda ka dambeeya Al-shabaab magaca cusub ee UGUS, ayay Al-shabaabna dhankeeda isla magacaan UGUS ugu yeertay dowladda Somalia.
War qoraal ah oo ay Al-shabaab soo dhigtay baraha taageera ayay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya iyadana loogu yeero magaca UGUS oo ay ku macneeyeen ‘Ururka Gumeynta Ummadda Soomaaliyeed’.
Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Somalia, Jen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare oo shalay ka hadlayay Xuska Maalinta Saxaafadda Adduunka ee 03-da May oo Muqdisho lagu qabtay ayuu ka sheegay in Al-shabaab loogu yeero magaca UGUS oo uu macnaheeda ku sheegay ‘Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed’.
“Al-shabaab in loogu yeero magaca UGUS iyagaa sabab u ah, waayo waa koox ku caan-baxday Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed, loogumana yeeri karo magaca Al-shabaab oo ah dhallinyaro, mana doonayno inaan ka dhigno magacaas mid la wasaqeeyo,” ayuu yiri Jen. Tuur-yare.
Sidoo kale, Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay in dowladda Somalia aysan is-taahilin in loogu yeero dowlad, ayna yihiin kuwo Gumeeyay Umadda Soomaaliyeed, Sidaas awgeedna loogu yeero.
Halkan Ka Dhageyso Idale News
Haddaba, magacaan ka kooban afarta xaraf ayaa macno badan yeelanaya, iyadoo qaybaha warbaahinta madaxa-bannaan ee Soomaaliya aanay weli magacan UGUS ugu yeerin Al-shabaab, balse magacan ayaa waxaa ugu yeera Al-shabaab War-baahinta Afka Dowladda Soomaaliya ku hadasha.
Ugu dambeyn, dowladda Somalia iyo Al-shabaab oo ah laba awoodood oo ku loolamaya awoodda dalka ayaan la ogeyn halka uu ku dambeynayo magaca isku midka ah ee ay isku bixiyeen.
Idale News Online, Muqdisho