Baydhabo(INO)- Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa ka bilowday magaalada Baydhabo dhismayaal dib loogu soo celinayo Adeegyada bulshada ee caadiga ah, waxaana labo Dugsi sare ay ka dhagax dhigtay magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Duqa magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay talaabadan tahay mid kor loogu qaadayo tayada waxbarashada ee gobaladaas, wuxuuna sidaas oo kale sheegay in la kordhin doono dhismayaal kala duwan oo kuyaala gudaha gobalka Baay.
Dawladda Imaaraatka ayaa dhawaan balan qaaday dibu dhiska meelaha muhiimka ah oo ay ku jiraan xarumaha dawladda, Isbitaalada, Garoonka Baydhabo iyo Dugsiyada Waxbarashada, waxa ayna talaabadan qeyb ka tahay mid kor loogu qaadayo horumarka gobaladaas.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online,Baydhabo