Muqdisho(INO)-Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay Maamul Goboleedka lagu wado in laga hirgeliyo Gobolada Dhexe (Galgaduud iyo Mudug), si ay qayb kaga noqdaan Maamulada Nidaamka Federalism-ka ku dhisan, ee dalka ka jira, waxaana uu muujiyey sida uu uga soo horjeedo.
Korneyl Barre Aadan Shire, ayaa qaba in marka hore dib u heshiisiin loo sameeyo dadka ku dhaqan Gobolada Dhexe, ka hor intii aynaan Dowladdu u dhisan Maamul Goboleed.
“Dib u heshiisiin baa ka horeyso Maamul laga dhiso Gobolada Dhexe, waxaan lee nahay hala horumariyo dib u heshiisiinta beelaha Gobolada Dhexe.” Ayuu yiri Korneyl Barre Aadan Shire.
Halkan Ka Dhageyso.
Barre hiiraale, ayaa yiri “Dadka waxay dareensan yihiin inaysan qurux badnayn in Maamul Goboleed laga dhiso Gobolada Dhexe, iyadoo aan dadkii deegaanka loo samaynin wax dib u heshiisiin ah.”
Sidoo kale wuxuu yiri “Gobolada Dhexe dhan dagaal baa ka taagan, lix goobood bay colaaduhu ka abuurmayn, iyadoo dadkii is heystaan Maamul Goboleed looma dhisi karo.”
Korneyl Barre Hiiraale, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan looga hadlaayay mustaqbalka bulshada ka soo jeedo Gobolada Dhexe, oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxay u muuqataa mid aan waqti u hayn shir dib u heshiisiin ah oo loo qabto Beelaha Gobolada Dhexe, waxayna taasi bedelkeeda diirada saareysaa Dhismaha Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug
Idale News Online, Muqdisho