Dhageyso:Booliska Kenya oo Gacanta Ku Dhigay Rag Lagu Tuhmay Al Shabaab

0
303

Kwale (INO)—Booliska Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen Weerar qorsheysnaa oo Xarakada Al Shabaab ay doonayeen in ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah Magaalada Kawale ee Dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada Booliska, Francis Wanjohi ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay toogteen Nin muddo la doon doonayay oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab oo ku xoogan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Taliye Wanjohi ayaa waxuu xusay in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 3 kale oo watay Qaraxyo kuwaasi oo la socday Mooto, waxuuna intaasi ku daray in ay baaritaano kala duwan ku socdaan.

Booliska ayaa xaqiijiyay in 3 la xiray midkood lagu magacaabo Idiris Aadan, kaasi oo muddo dheer ay baadi goobayeen Booliska Dalka Kenya.

Eedeysane Idiris Aadan ayaa la sheegayaa in uu tababaro kala duwan ka soo qaatay xarumo tababar oo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Dalka Soomaaliya, waxaana Booliska ay intaasi ku dareen in uu dib ugu soo laabtay Kenya si uu u fuliyo Weeraro qorsheysan.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in ay Ragan la qabtay sidoo kale looga shakisan yahay hadii ay ka dambeeyeen Weerar dhawaan lagu Dilay Sarkaal Boolis iyo Nin kale oo ka soo goostay Xarakada Al Shabaab, kuwaasi oo Dilkoodu uu ka dhacay Magaalada Kawaale.

Dhinaca kale, Sirdoonka Dalka Kenya ayaa shaacisay in Xubno ka tirsan Al Shabaab ay qoarsheenayaan Weeraro ka dhan ah qeybo ka mid ah Dalka Kenya.

Sikastaba, Xariga Ragan ayaa imaanaya maalmin un kadib markii Xarakada Al Shabaab ay sheegteen Weerar ay ka fuliyeen Magaalada Mandera ay ku Dileen ugu yaraan 5 Askari, islamarkaana y ku dhawaceen 4 kale oo ka mid ah Xoogaga Booliska Dalka Kenya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay