Xildhibaanada Mooshinka ka wada Ra’iisul Wasaaraha Xukuamadda Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku joojiyay Mooshinka iyo Xildhibaanada Fowdada ka sameeyay Xarunta Baarlamanka Kulamadii la soo dhaafay.
Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo u hadlay Xildhibaanada ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Lumiyay Kalsoonidii iyo Wada Shaqeyntii Golaha Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo inta badan Golahiisa Wasiirada,waxaana uu ugu baaqay in uu si Deg Deg ah isku Casilo inta aan Codka Kalsoonida loo qaadin Axada Soo socota.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku Eedeeyay in uu si Bareer ah u been Tarjumay Warmurtiyedkii ka soo baxay Gudoomaiayah Baarlamaanka oo uu Qalad Warbaahinta uga Sheegay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali