Baydhabo(INO)-Xubno ka xirtan baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada uu ka arrimiyo Dowladda koofur Galbeed ayaa maanta waxay kulan ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayagoona shir jaraaid oo ay qabteen kulankooda kadib kasoo horjeestay qaabkii loo dhisay xubnaha baarlamaanka ee maamulka Jubba.
Xubnaha Baarlamaanka ee maanta kulankaas ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe iyo Maxamed Xuseen Isxaaq Afraale iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Gobolada KGSoomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isxaaq Afraale oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in Beesha Digil iyo mirifle ay tahay tan ugu badan ee dagta goboladaas siduu hadalka u dhigay lagana badsaday tirada xubnaha baarlamaanka.
Halkan Ka Dhageyso.
“haddii caddaaladdii ay saas noqotay Waxay noqonaysaa in nin walba uu deegaankiisa iyo summaddiisa uu fiirsado arintaasi ma naqusayso mana na quseyn doonto mana ogolin mana ka qayb qaadan doono” ayuu yiri xildhibaan Afaraale
Ugu dambeyntii Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xilli dhawaan maamulka Jubba uu ku dhawaaqay xubnaha baarlamaanka ee maamulkaas ayadoo dhawaanahaan ay jireen dhaliilo loo jeedinayay maamulkaas qaabka ay kusoo xuleen baarlamaankaas.
Idale News Online, Baydhabo