Codsi uu shalay soo gudbiyey Raysal wasaare Saacid oo ahaa in la siiyo wakhti uu xildhibaanada kula hadlo golaha barlamaanka inta aan codka kalsoonida loo qaadin xukuumadiisa iyo isagaba ayaa gudoonka barlamaanku ka diidey sida uu sheegay xildhibaan C/ladhiif oo isagu ah xubnaha taageersan Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa isaga kulankii maanta ka sheegay in maalinta berito oo axad ah ay tahay maalinta la soo afjaraayo khilaafka dib u dhaca ku keeney guud ahaan dowlada, xildhibaano gaaraaya 81 qofna haystaa ilaa ugu badnaan 3 daqiiqo oo ay fikirkooda mooshinka ku aadan ku soo gudbiyaan ka dibna xukuumada loo qaado codka kalsoonida oo ah gacan taag.
Waxaa muuqata in Ra’iisul Wasaare Saacid uusan haysan codka kalsoonida barlamaanka ama 139 xubnood oo badbaadin karta jiritaanka isaga iyo xukuumadiisa, waxaana kulankii maanta oo ay soo xaadireen 248 xubnood 170 ka mid ah ay sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen, taasoo codeynta berito dhaxeyso oo gacantaag ah meesha ka saareysaa diidmadii ra’iisul wasaaraha ee codsiga madaxweynaha ee ahaa inuu iscasilo inta aan barlamaanka la isla tagin. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud go’aanka berito kalsoonida loogala noqonaayo R/W Saacid u tahay mid siineysa mar kale inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo bedela Ra’iisal wasaaraha sii dhacaaya ee xilkiisa berito ku eg yahay mudane Cabdi Faarax Shir doon Saacid.
Idale News Online
maalinta berito ah go’aan ku gaarey