Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey furitaanka madasha wadatashiga madaxda Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliland ay qayb ka tahay hannaanka looga tashanayo aayaha dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya,wuxuuna ku celceliyey iney meel wanaagsan marayaan wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Soomaaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaaqday iney ka go’aday Soomaaliya inteeda kale walow ay ay ku guul daraystay iney ictiraaf ka hesho beesha caalamka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho