Dhageyso: Wiil Dhalinyaro Ah Oo Si Araxan Dara Ah Loogu Dilay Degmada Afgooye.

0
205

Wararka Naga so gaaraya degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in maanta kooxo hubaysan ay degmaasi ku dileen wiil dhalinyaro ah kaas oo ay u dileen si arxan dara ah.

Wiilkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maamin Jamaal kaas oo ku noolaa xaafada Xaawa Taako ee degmada Afgooye Halkaas oo ay ku dileen kooxo hubaysan.

Lama Oga Muumin Jamaal sababta loo dilay balse wararka ayaa sheegaya in siyaasadda aanu wax lug ah ku laheyn uuna ahaa dhalinyarada ku dhaqan degmada Afgooye uuna ahaa qof qanacsato ah.

Mid ka mid ah Eheladda wiilkan la dilay ayaa isagoo warbaahinta la hadlayey waxa uu sheegay in maanta subaxdii saddex saac markey aheyd uu soo wacay wiil ku sugnaa goobta lagu dilay wiilkan islamarkaana uu usheegay in la dilay wiilka uu abtiga u yahay.

Ugu danbeyn waxa uu sidoo kale sheegay in Muumin ay si xun u dileen iyagoo qeybta sare ee jirka kaga dhuftay sagaal xabadood uuna sidaas ku geeriyooday ay hadana ku guda jiraan duugtiisa.

Halkan Ka Dhageyso War ku Saabsan Wiilka sida arxan darada ah Loo dilay

[audio:C:\Users\Beder Internet\Downloads\Music\Arlaadii.net-009.mp3|autostart=yes]

afgooyeIdale News Online, Afgooye.