Muqdisho(INO)- Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan ayaa ka hadlay dhismaha Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho.
Waxa uu sidoo kale amaan u jeediyay Shirkada ka qeyb qaata dhismaha Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho iyo sida ay u adeeceen talooyinkii ka soo baxay Wasaarada Howlaha Guud.
Waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in meel loogu soo wada jeesto dhismaha Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho.